Deeq A. Posted August 20, 2020 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay gelinka dambe ee maanta kulan aan caadi aheyn ay ka yeeshaan xaaladda guud ee Soomaaliya. Fadhiga maanta ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor waxaa lagu wargeliyey xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana kulanka looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin xaalada amniga iyo doorashooyinka. Diplumaasiyiinta ka qeyb-geli doonta fahdiga Golaha Ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in kulankaan si weyn loo falan qeyn doono arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/21. Sidoo kale wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa warbixin u jeedin doona xubnaha golaha ammaanka, isaga oo ka hadli doono xaaladda dalka. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad kala-guur ah, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada soo socota ee 2020/2020, taas oo aan weli lagu heshiin nooceeda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites