Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooley

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta weerar khasaare geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Weerarka oo uu xigay iska hor imaad ayaa ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay dagaal ku qaadeen saldhig ku yaalla halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in is-rasaaseynta u dhexeysay labada dhinac ay socotay muddo, islamarkaana uu jiro khasaare, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Dhanka kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkan ayaa sheegatay inay ku dishay afar askari iyo sarkaal ay magaciisa ku soo koobtay Canjal.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in dagaalkaasi ay hub uga soo furatay ciidamada dowladda, gaar ahaan qoryaha fud-fudud ee AK47, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi.

Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this