Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo amar siiyey guddiga amniga maamulka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland oo kulan gaar ah la qaatay guddiga amniga Puntland ayaa kala hadlay xaaladaha nabad-gelyada ee guud ahaan deegaanada maamulkaasi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa diirada lagu saaray sida looga hortagi karo falalka liddiga ku ah amniga deegaanada Puntland.

Siciid Deni aya ku amray xubnaha guddiga iyo saraakiisha ammaanka inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo amniga, si looga hortago wax kasta oo qatar ku ah nabad-gelyada.

Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay xaalado amni daro, sida weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacayey magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this