Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khaaaraha ka dhashay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Halgan, gaar ahaan fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka inta uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma cadda illaa iyo hadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka horreeyey.

Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this