Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi laga qabo Al-Shabaab oo ka taagan Kenya iyo dowladda oo tallaabo adag qaaday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Saxaafadda Maxaliga ah ee Kenya ayaa tabineysa in ciidamada militariga ay internet-ka ka jareen goobo badan oo ku yaalla miyiga gobolada Samburu, Marsabit, West Pokot, Mandera iyo Garisa, cabsi laga qabo Al-Shabaab darteed.

Mercy Wanjau oo ah sii-hayaha agaasimaha guud ee hay’adda isgaarsiinta Kenya ayaa baarlamaanka Kenya u sheegay in tallaabadaan ay timid amni darada kusoo badatay deegaanadaas iyo sidoo kael cabsiga ay dadweynaha ka qabaan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Deegaanada laga xanibay internet-ka waxaa loo ogolaaday adeeg ka daciifsan midkii ay horay u isticmaali jireen, waana 2G.

Sidoo kale sii-hayaha wuxuu ka dhawaajiyay qorshe arintaan la xiriira oo ay la damacsan yahiin gobolada Tana River, Wajir, Turkana, Marsabit, Meru, Laikipia iyo Isiolo marka la gaaro 2022.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaada anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta Kenya, waana arrin lagu dhaliilay dowladda maadaama ay si fudud wax uga qaban dib u hagaajinteeda.

Waxaa jira arrimo lasoo dusiyay oo sheegaya in shirkadda Safaricom ay ciidamada Kenya u adeegsato iney burburiyaan anteenooyinka shirkadaha Soomaalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this