Deeq A. Posted August 20, 2020 (SLT-Moscow)-Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Ruushka Alexei Navalny ayaa la sheegay in cisbataalka la dhigay isaga oo koomo ku jira islamarkana waxaa laga shakisan yahay in la sumeeyay, wxaa sidaasi sheegtay haweeneey afhayeen u ah. Alexei oo ah nin si wayn ugu ololeeya ka hortaga musuqmaasuqa ayaa xanuunsaday xilli uu safar duulimaad ah ku jiray. Diyaaradda ayaa si degdeg ah u caga dhigatay, si loo eego xaaladda hoggaamiyaha waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku sheegtay Omsk, Kira Yarmysh oo afhayeenka Alexei. “Waxaan u malaynaynaa in la sumeeyay islamarkana shaah wax loogu daray,” ayay tidhi. Mr Navalny ayaa ah nin si wayn u dhaliila madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin. “saaka ayuu Mr Navalny waxaa uu ku soo laabanayay magalada Moscow isaga oo ak yimid Tomsk,” waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku soo qortay Ms Yarmysh. Ms Yarmysh ayaa markii dambe sidoo kale sheegtay in Mr Navalny la dhigay qeybta xaaladda culus. Ilaa iyo imika ma jirto cid ka madaxbanaan Ms Yarmysh oo xaqiijisay warkan ay ku andacootay. Sannadkii 2011 ayaa xabsiga la dhigay Mr Alexei Navalny islamarkana uu ku jiray muddo 15 maalmood ah, xilli ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo ku aadanaa in doorashada uu Putin ku shubtay. Bishii June waxaa uu isbadalkii dastuurka lagu sameeyay ku tilmaamay “Afgembi” iyo “in lagu tuntay dastuurka”. Isbadalkaas dastuurka lagu sameeyay ayaa Mr Putin u ogolaaday in uu xafiiska sii joogo laba muddo xileed oo dheeraad ah. Source Share this post Link to post Share on other sites