Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo La Wareegay Hoggaanka Taliska Howlgalka La Dagaalanka Budhcad-badeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa lagu wareejiyay hoggaanka taliska ciidammada isku-dhafka ah oo badda Soomaaliya uga howlgala la dagaalanka budhcad-badeeda.

Taliskan oo loo yaqaan CTF-150 ayaa waxaa hoggaaminayay dowlada Faransiiska waxana ay taliskan ay sameeyaan dabagal, kormeer iyo howlgalo caadi ah oo lagu ilaalinayo maraakiibta maraysa xeebaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa hoos yimaada 14 illaa 15 maraakiib sida ku cad xogta iyo Istiraatiijida howlgalkaan 12-ka sanno ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxa hoggaankooda la bedelaa lixdii biloodba mar iyadoo ciidamadan kuwooda ugu badan ay joogaan gacanka Cadan iyagoo ka hortagga weeraro lagu qaado maraakiibta caalamiga ah.

Bishii August sanadkii 2008-dii ayaa la sameeyay howlgalkan ka gedaal markii ay aad u soo kordheen weerarada iyo qafaalashada maraakiibta oo ay gaysanayeen budhcad badeed Soomaaliya.

Badda Cas, gacanka Cadan, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cumaan ayaa kamid ah meelaha ay waajibaadkooda ugu badan ka fuliyaan.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda Sacuudiga ayaa sheegtay in taliskooda uu rajeynayo in uu ku guulleysto mudada uu xilkaan hayo.

Wargeyska Al Khaleej Today oo daboolka ka qaadey in ciidanka Sacuudiya Carabiya ya xilka ka waregeen ayaan magacaabin taliyaha cusub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this