Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha degmada Cabdicasiis oo shaqo joojin lagu sameeyey + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa weerarkii hote Elite shaqada uga joojiyey taliyihii saldhigga Degmada C/casiis, iyadoo loo xiray askartii ilaalada baraha Control.

Xijaar ayaa shaaciyey in shaqadii laga joojiyey taliyihii saldhigga degmad Booliska degmada Cabdicasiis, islamarkaana xabsiga la dhigay askartii ilaalinaysay baraha Control.

Sidoo kale waxaa soconaya baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah.

Laamaha saraakiisha laamaha ammaanka ayaa la faray sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka caasimadda.

Weerarkii hotel Elite oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana dhacay 15-kii Bishan ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 ruux.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this