Sign in to follow this  
Deeq A.

Elite Hotel: Muxuu yahay qolka rasaasta aysan karin ee Shabaabka ‘ay gali waayeen’?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Milkiilaha Elite Hotel, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa markale faah-faahin dheeriya ka bixiyey weerarkii tooska ahaa ee lagu qaaday huteelkiisa, kaasi oo markii hore ku bilowday qarax.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay ku bad-baaden ilaahay sokadii, qol aysan xabadu karin oo loogu talo-galay in khataraha amni loog dhigto, isla markaana ah xayn-daab loo gudbi karin.

Milkiilaha ayaa sheegay inay isaga iyo dad kale oo labaatameeyo qof ah ay ku bad-baadeen qolkaasi, intuu socday weerarkii argagixiso ee ka dhacay huteelkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.

“Dalka ku nool-nahay iyo waaqica in la fahmo aad bay muhiim u tahay. Marka wuu jiray qol ku tala-gal loo sameeyay qol aysan rasaasta karin.”

“Waa meel loogu tala-galay dhinaca bad-baadada, dad badan ayuuna Alle sabab uga dhigay inay ku badbaadaan. Dhowr iyo labaatan qof baan ahayn dadkii ku jiray,” ayuu yiri.

Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee gudaha u galay huteelkasi ayaa ku guul-dareystay inay ka gudbaan xayndaabka qolkaasi, sida uu sheegay mulkiilaha huteelku.

Qolkaasi ayaa ahaa mid hore loogu sii diyaariyay  xaaladaha halista ah, maadama amaanka dalka aan si buuxda la iskugu haleyn karin, oo falal amni darro ah ka fuliyaan kooxaha argagixisada ee dagaalka kula jirta dowladda.

16-kii bishan ayey aheyd markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay qarax iyo weerar toos ah ka fuliyeen huteelka Elite oo ku yaala xeebta Liido, oo kamid goobaha amaankooda si weyn loo ilaaliyo.

Weerarkaasi ayaa galaaftay nolosha 16-qof inta la ogyahay, halka ay tiro intaasi ka badana ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, oo iskugu jira dad shacab ah iyo xubno ka tirsan dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this