Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo ‘qabtay gaari siday walxaha qaraxa’+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxey ku soo qabteen gaari Saaruf ah oo la sheegay in Al-Shabaab ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa.

Taliya Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaarigaan oo ay ka buuxaan walxaha qarxa kuna soo jeeday magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidanku ay gacanta ku soo dhigeen miinooyin badan oo yiilay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh/Hoose.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

118001890_3083685385062882_7456081446142 118101018_3083638625067558_1044380470378 118130428_3083685255062895_1334910084759 118138136_3083639688400785_5343578546395 118143610_3083638868400867_1100102185874 118154253_3083637795067641_1573237513353 118174933_3083639851734102_3676074665759 118176958_3083637331734354_3327310297896 118187666_3083639051734182_9209339754392 118297064_3083638285067592_1012105571364

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this