Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Kulan deg deg ah ka yeeshay Amni-darrada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay Xaaladda Amni-darro ee maalmihii u dambeeyay ku soo korortay Magaalada Muqdisho.

Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Axmed Xasan Iimaan ayaa Shir-guddoomiyay Kulankaasi.

Waxa goob-joog ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka iyo Saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Magaalada  Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay in la bilaabo Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Kulan deg deg ah ka yeeshay Amni-darrada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this