Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maamulka G/Banaadir oo shir ka yeeshay amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku simaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayey Amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Caasimadda.

Uga dambayntii, Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa laga codsaday in ay sii laba jibaaraan wada-shaqeynta Laamaha Ammaanka, si looga hor-tago falalka Amni darrada ah.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:-

117599153_2658857744352968_4323620367592 117705913_2658857954352947_2720524689303 117715946_2658857701019639_2547022245607 117768380_2658858131019596_4319918164273 117770863_2658857941019615_4710177681452 117773623_2658858191019590_7760513544297 118008549_2658858391019570_3535991229794 118153878_2658857537686322_8558639450514 118157194_2658858431019566_4941404372055 118285696_2658857997686276_7325754324990

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this