Sign in to follow this  
Deeq A.

DANAB oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab Xarumo muhiimana ka burburiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgal qorshaysan oo Ciidamada Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay in ay ku burburiyeen Xarumo ay Al-shabaab ku farsamayn jireen Qaraxda.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska DANAB ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas lagu burburiyay Xarumo Qaraxyada lagu farsameeyo oo Al-shabaab ku lahaayeen Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Hawlgalka lagu qabtay xubno Al-shabaab u qaabilsanaa samaynta Qaraxyada inkastoo aysan tiradooda xusin.

Taliska DANAB waxay sidoo kale ballan-qaadeen in ay sii wadi doonaan Hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellada hoose oo lagu beegsanayo Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post DANAB oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab Xarumo muhiimana ka burburiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this