Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax galabta ka dhacay garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee garoonka lagu magacaabo Laqanyo Stadium, xilli uu ka socday tartan xiiso badan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidamada amniga, islamarkaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Beledweyne oo ku aadan qaraxaas oo uu noociisu ahaa miinada meelaha fog-fog laga hago.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, balse ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaano dheeraad ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this