Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in xil-ka qaadis lagu sameeyey taliyaha degmada Cabdicasiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyed ayaa beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay ku sheegeen in shaqadii laga fariisiyey taliyaha ciidamada Booliska ee degmada Cabdicasiis Axmed Baashane, kadib weerarkii maalin ka hor lagu qaaday Hotelka Elite oo ku yaalla xeebta liido ee M/ Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Gaashanle Sadiiq Aadan Cali oo wareysi siiyey Shabelle ayaa wuxuu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana aysan jirin wax xil-ka qaadis ah oo lagu sameeyey taliyaha Booliska degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu afhayeenku uga digay warbaahinta inay baahiyaan warar aysan hubin oo sal iy raad toona laheyn.

Ugu dambeyn Sadiiq Aadan Cali aya hoosta ka xariiqay in Booliska Soomaaliyeed ay ka go’an tahay inay xoojiyaan howlaha lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this