Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka Cusub ee Dawlada Itoobiya u soo magacawday S/land oo yimi Hargeisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa Magaalada Hargeysa soo gaadhay Wakiilka cusub ee Dawladda Federaalka Itoobiya u soo Magacowday Somaliland, Amb. Siciid Maxamed Jibriil.

wakiil-300x169.jpg

Wakiilka cusub ee Itoobiya ayaa Axaddii doraad ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, waxaana halkaa kaga hor-tagay oo soo dhaweeyay Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Wakiilka cusub oo laga soo ambo-bixiyey Caasimadda Addis Ababa ayaa si rasmi ah u bilaabaya shaqadiisa diblumaasiyadeed, maaddaama oo uu soo cago-dhigtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Amb.Siciid Maxamed Jibriil ayaa beddelaya Wakiilkii hore ee Dawladda Federaalka Itoobiya u joogay Somaliland Amb. Shamsudiin Axmed Rooble, kaasi oo muddo dheer shaqada ka sii maqnaa, inkasta oo Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa uu si wanaagsan u shaqeeyo.

Dr.Siciid Maxamed Jibriil ayaa intii aan loo Magacaabin Wakiilka Itoobitya ee Somaliland wuxuu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this