Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Qarax goordhaweyd Gilgilay Magaalada Muqdisho+Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax hadda Gilgilay Magaalada Muqdisho

qarax-4.jpg

Waxaa goordhaweyd qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Deva oo ku dhaw Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaadhi nooca aan xabaduhu karin oo halkaasi marayay, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ka bad baaday gaadhigii lala eegtay.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo moto bajaajle ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku dhaawacmay , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaadhay ciidamo

Qaraxyada iyo falalka amaan daro ayaa ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxa uuna qaraxan imaanayaa saacado kadib weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen  hotel kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this