Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir Oo Shaaciyay Xiliga La Qabanayo Tartanka Kubbadda Cagta Degmooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa xarunta degmada Wadajir ku qabtay shir looga hadlayay qabashada tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020-2021 iyo qorshayaashii her geliyay sanadkii la soo dhaafay 2019.117391481_2656046987967377_6986943769906
Shirkan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish, waxaa kasoo qeybgalay Xubnaha Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha Isboortiga degmooyinka Gobolka Banaadir, Macallimiinta Degmooyinka iyo mart sharaf kale, waxaana lagu soo bandhigay xeerka tartanka lagu maamuli doono iyo nidaamka guud ee tartanka qeybahiisa kale duwan.

117889564_2656047471300662_5995526302192

Guddoomiye Xasan Wiish ayaa sheegay in sanadkan maamulka Gobolka uu doonayo tartan dhankaasta ka dheeli tiran, ciyaar wanaagga, abaabulka, anshax wanaagga, xirfad ahaanna ka horumarsan sanadihii lasoo dhaafay, waxuuna la iclaamiyay in tartanka uu si rasmi ah u furmi doono 10-ka September 2020.

117372178_2656046934634049_3906538550203

Si kastaba sanadkii la soo dhaafay 2019 waxaa ciyaaraha degmooyinka ku guulaystay kooxda Degmada Dharkenlay,iyagoo ku qaaday guul daro la’aan waxaana maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir ay sheegeyn in diyaarnayaan qorshayaal lagu horormarinyo isboortiga Gobolka.

Screen-Shot-2020-08-12-at-2.02.53-PM-102

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this