Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag Kufsi ka geystay magaalada Baydhabo oo maanta la toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta Ciidamada ammaanka ay Baydhabo ku toogteen labo nin oo la sheeegay inay kusfi ka geysteen magaaladaasi.

Ragga la dilay oo ay dhowaan ciidamadu gacanta ku soo dhigeen ayaa lagu soo warramayaa inay qirteen falka Kufsiga ah ee lagu soo eedeeyey, kadibna la toogtay.

Toogashada ayaa timid, kadib markii ay raggan Kufsi kula kaceen wiilal yar-yar oo midkood la sheegay inuu geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ehellada dhibanayaasha ay dalbadeen in cadaalada la horkeeno, kadibna sidaas lagu go’aamiyey in la toogto.

K/ Galbeed ayaa horey u shaacisay inay deegaanadeeda, gaar ahaan Baydhabo ay ku soo bateen falalka ka baxsan sharciga, sida Kusfiga iyo dhibaatooyin kale, waxaana toogasha ay fulisay ku micneysay inay uga hortageyso xad-gudubyada ka dhanka ah aadanaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this