Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax xooggan ayaa wuxuu daqiiqado ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Tarabuunka, gaar ahaan agagaarka Isbitaalkii hore ee DEVA.

Qaraxa ayaa la sheegay in la dhigay wadada dhinaceeda isla markasana uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo marayey halkaas.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhaawacmay oo ahaa darawal kaxeenayey mooto Bajaaj.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this