Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howl-gallo ka wada degmada Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay saaka howl-gallo ka wadaan gudaha degmadaasi.

Howl-gallada ayaa daba socda qarax shalay ka dhacay Maqaaxi ku taalla halkaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ayaa Shabelle u sheegay in baaritaanadaasi lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey qaraxaasi.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu qaraxa ka soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa Maqaayadda la weeraray.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this