Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay gobolka SOOL iyo Somaliland oo ciidamo soo dirtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan deegaano ay maamusho Somaliland.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, kuwaas oo wada daga halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Ari-Cadeeye, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas illaa iyo hadda ku dhintay ku dhowaad 5 qof iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen oo ah dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in Somaliland ay ciidamo dheeraad ah u soo dirtay deegaankaasi, kuwaas oo ka baxay magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool, si ay u kala dhex-galaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay isku hayaan dilal la xariira aanooyin Qabiil oo horey uga dhacay gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this