Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaki la geliyay muwaadinimada haweeneyda uu musharrax Biden u doortay madaxweyne ku xigeenka

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii uu musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga Mareykanka Joe Biden ku dhawaaqay in Kamala Harrix uu u doortay madaxweyne kuxigeenkiisa ayaa waxaa isa soo tarayay dhanka baraha bulshada shaki la gelinayo muwaadinimada gabadhaasi iyo in ay xaq u leedahay in ay noqoto madaxweyne ku xigeen.

Shakigaasi la isla dhex marayay baraha bulshada ayaa waxaa kusoo biiray oo isna dhankiisa bansiin uga sii shubay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo sheegay in Kamala eysan xaq u laheyn in ay qabato jagada madaxweyne ee dalka Mareykanka.

Trump ayaa arrintaasi u cuskaday in waalidka Kamala eysan haysan aheyn  dhalasho rasmi ah.

Mid ka mid ah waalidka Kamala Haris ayaa kasoo jeeda asal ahaan dalka Hindiya.

Aqalka Cad oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa soo soo baadhay wararka la isla dhex marayo , waxaana afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Mark Meadows uu xaqiijiyay in Kamala ay tahay muwaadin dhalad ah, ayna xaq u leedahay in ay qabato xil kasta oo ay doonto.

Kamala Haris ayaa ku dhalatay magaalada Oakland ee gobolkaasi California sannadkii 1964-kii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this