Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo shaacisay Mowqifkeeda Shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in ay Madaxda Soomaalida ka caawiso Qabsoomidda Shirka Dhuusamareeb3 si looga mira dhaliyo Natiijada ka soo baxda Shirkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday Qodobadii lagu heshiiyay Shirkii Dhuusamareeb2 islamarkaana ay doonayso fashilinta Shirka Dhuusamareeb3.

Jubaland waxay sheegtay in sidoo kale meesha laga saaray Xukuumaddii sharciga ahayd ee fulin lahayd Heshiiskii Dhuusamareeb weliba aan la magacaabin Xukuumad cusub oo fulisa wixii lagu heshiiyay sidaasi darteedna ay soo laabatay kalsooni-darradii laga qabay Dowladda.

Mowqifka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa u muuqda mid taageersan Mowqifkii Xalay Puntland ka istaagtay Shirka Dhuusamareeb kadib markii ay shuruud ka dhigtay in Ra’iisul wasaare cusub la magacaabo iyo Beesha Caalamku dammaanad ka noqoto.

1-18.jpg?resize=722%2C960&ssl=1 2-11.jpg?resize=722%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo shaacisay Mowqifkeeda Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this