Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan HirShabelle oo caawa lagu dilay magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in fiidkii hore ee caawa magaalada Jowhar lagu dilay wasiirkii beeraha iyo waraabka dowlad goboleedka HirShabelle, Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Karaani.

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen marxuumka xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla magaaladaas oo uu ku soo tukaday saaladda Cishaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxihii ka dambeeyey dilka wasiirka ay goobta ka baxsadeen.

Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar ayaa xilka wasiirka beeraha iyo waraabka waxaa loo magacaabay 11-kii bishan, wuxuuna xilka hayey hal todobaad uun, kadib markii uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this