Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo war ka soo saartay dilka wasiirkii beeraha maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa si adag uga hadlay dil qorsheysan oo caawa magaalada Jowhar loogu geystay xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Karaani.

Xildhibaanka oo dhowaan loo magacaabay wasiirka beeraha ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan, xilli uu ka soo baxay salaadda Cishaha.

Qoraal uu soo saaray guddoomiye Barre ayaa wuxuu tacsi ugu daray ehellada marxuumka iyo Ummadda Soomaaliyeeed, gaar ahaan reer HirShabelle.

“Waxaan tacsida tiiraanyada leh laqeybsanayaa Qoyska ehelka, Asxaabta iyo dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Axmed “Karaani” waxuuna Alle uga baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo.” ayuu qoraalka ku yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay xildhibaada HirShabelle inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this