Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Wasiir caawa lagu dilay magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in magaalada dhexdeeda lagu toogtay wasiir ka tirsan Maamulkaas.

Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar karaani ayaa la sheegay inay kooxo hubeysan dileen xilli uu kasoo baxay Saaladda Cishaha.

Wasiirka Cabdiqaadir Abuukar Karaani oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa lagu dilay Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar.

Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Caasimada Online, Wasiirka ayaa waxaa toogtay kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaas oo meesha ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle ayaa soo gaaray meesha uu dilka ka dhacay, waxayna durba bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo kooxihii dilka fuliyey.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay ay Al-Shabaab ka geysan karaan deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this