Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle: Wasiir maalmo ka hor la magacaabay oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_15976855673790492.jpg?resize=720%Marxuum, Cabdiqaadir Abuukar (Karaani)

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa caawa lagu dilay xildhiban ahaana wasiir ka tirsan maamulkaas.

Xildhibaan Cabdulqadir Abuukar Maxamed (Karaani) oo todobaadkii hore madaxweyne Waare u magacaabay wasiirka beeraha iyo waraabka Hirshabeelle ayaa koox hubaysan ku dishay xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar.

Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay inay baxsadeen, inkastoo uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay dilka xildhibaanka ahaana wasiirka beeraha iyo waraabka.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xildhibaannada iyo mas’uuliyinta kale ee dowladda uga digay weerara Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Magaalada Jowhar ayaa dhowr jeer oo hore dilal loogu geystay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay aad u kordhay weerarada iyo dilalka qorsheysan ee Al-shabaab ka geystaan koonfurta Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Hirshabeelle: Wasiir maalmo ka hor la magacaabay oo la dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this