Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar oo shaqo joojin lagu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa si kumeel gaar ah shaqada uga joojiyay Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye, sababo la xirirta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday xabsiga Dhexe ee Xamar oo ay weli socoto baaritaanno dheeraad ah.

Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Jeneraal Daahir Aadan Cabdulle inuu sii wado shaqada Xabsiga Dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa Warbaahinta u sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka Asluubta shaqada si KMG looga joojiyay taliyihii xabsiga

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this