Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay degmada Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare badan geystay uu ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaaxi ku taalla bartamaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxa qaraxa ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Beledxaawo oo ku aadan qaraxaas, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this