Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga Galmudug oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah & xaaladda ammaan ee maamulkaasi.

Fiqi ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ka warbixiyey xaaladaha ammaan ee deegaanada Galmudug, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo shacabkeeda ay go’aansadeen inay meel uga soo wada jeestaan dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna tusaale u soo qaatay dagaalkii dhowaan ka dhacaay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaas oo dhex-maray dad shacab ah iyo Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Galmudug diyaarisay ciidamo gaar ah oo loogu tala-galay sidii ay Al-Shabaab uga xoreyn lahaayeen deegaanada maamulkaasi.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka maamul ahaan kuu guuleysteen inay qaadaan isbaarooyin la soo dhigay gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Ugu dambeyn wuxuu dhammaan reer Galmudug ugu baaqay isku duubni iyo wax wada-qasbi, si loo hormariyo deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this