Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo qarax ku dilay Guddoomiyihii iyo Taliyihii Booliiska Goof-gaduud Buurey

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qarax ku dilay Guddoomiyihii Degaanka Goof-gaduud Buurey iyo Taliyihii Ciidanka Booliiska Degaanka sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyihii Goof-gaduud Buurey  Isaaq Cali Isaaq iyo Taliyihii Booliiska Xassan Bakac ayaa ku geeriyooday qarax lagu xiray qof mayd ah oo saaka ku dhintay Weerar ka dhacay Degaanka Goof-gaduud.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka Degaanka Goof-gaduud Buureey ay ku dhinteen askar iyo dad Shacab ah halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Al-shabaab ayaa Saaka aroortii hore weeraray Saldhig Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Degaanka Goof-gaduud Buurey waxaana ay mudda kooban gacanta ku dhigeen saldhiga inkastoo markii dambe ay dib uga baxeen.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo qarax ku dilay Guddoomiyihii iyo Taliyihii Booliiska Goof-gaduud Buurey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this