Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyey dagaalkii Goofgaduud oo Mas’uuliyiin lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Baydhabo,kadib markii ay halkaasi weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah ay ku qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka qarxay deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dadka ku dhintay ay ka mid yihiin guddoomiyihii deegaankaas, Isaaq Cali Isaaq, taliyihii Booliska Xasan Baka iyo askar kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulitiintaasilagu dilay qarax miino, xilli ay ku sii socdeen saldhigga uu dagaalku ka dhacay.

”Weerarka Saldhiga kadib ayay Al-shabaab isticmaaleen Qorshe kale, iyaga oo Meyd ku soo xiray qarax, waxa goobta ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this