Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaal ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay qeybi ka mid ah gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa mid culus, islamarkaana uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi dadka ku dhintay ay ka mid yihiin guddoomiyihii deegaanka Goofgaduud-Buurey, Marxuum Isaaq Cali Isaaq, taliyihii Booliska deegaankaasi marxuum Xasan Baka iyo askar ka tirsan ciidamada ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaasi lagu dilay qarax miino oo la sheegay in meyd lagu soo xiray, xilli ay ku sii jeedeen saldhigga uu ka dhacay dalka.

”Weerarka Saldhiga kadib ayay Al-shabaab isticmaaleen Qorshe kale, iyaga oo Meyd ku soo xiray qarax, waxa goobta ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this