Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii qaraxa ku bilowday ee gelinkii dambe shalay  Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite ee xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weerarkaas  ay ku dhinteen dad aad u badan oo ay ku jireen mas’uuliyiin, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen

Sidoo kale QM ayaa tacis tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii iyo ehelkii dadka ku geeriyooday weerarka lagu qaaday Hotelka Elite, halka dadkii halkaas ku dhaawacmay ay u rajeysay caafimaad Deg-deg ah.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay.” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay QM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this