Deeq A. Posted August 17, 2020 Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii qaraxa ku bilowday ee gelinkii dambe shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite ee xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen dad aad u badan oo ay ku jireen mas’uuliyiin, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen Sidoo kale QM ayaa tacis tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii iyo ehelkii dadka ku geeriyooday weerarka lagu qaaday Hotelka Elite, halka dadkii halkaas ku dhaawacmay ay u rajeysay caafimaad Deg-deg ah. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay.” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay QM. View the full article Share this post Link to post Share on other sites