Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shuruudo adag ku xirtay shirka Dhuusamareeb 3

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka fashilinta natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, waxaana ay ugu baaqday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu soo magacaabo ra’iisal wasaare qeyb ka noqda fulinta heshiisyada laga gaaro qabsoomidda doorashada dalka ee 2020/2021.

Madaxweyne Farmaajo, madaxda saddex maamul goboleed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb si ay uga qeybgalaan shirka 3-aad ee looga arinsanayo doorashada soo socota.

“Madaxweynuhu waxa uu si farsamo ah u daahiyay magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub si uusan u hirgelin is-afgaradkii Dhuusamareeb 2 iyo qabsoomidda Dhuusamareeb 3,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeed xalay ay soo saartay madaxtooyada Garowe.

Puntland ayaa soo jeedisay in ka hor qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 heshiis siyaasadeed la gaaro, kadibna ay shirkaasi ka qeybagalaan dhammaan madaxda federaalka, maamul goboleedyada iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya “si ay u damaanad qaadaan hirgelinta natiijada shirka”.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqan madasha Dhuusamareeb. Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa shalay ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Jabuuti, halka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku sugan yahay Nairobi oo sida dad ku dhaw ay BBC-da u sheegeen uu ku galay qalliin fudud

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this