Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa soo kordhiyey xilligan weerarada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya, General Cabdiraxmaan Tuuryare oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee dalka, gaar ahaan weerarada ay geysato kooxda Al-Shabaab.

Tuuryare ayaa marka hore sharraxaad dheeri ah ka bixiyey waxyaabaha muddooyinkii dambe soo kordhiyey weerarada kooxda Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho iyo guud ahaan dalka,wuxuuna hoosta ka xariiqay in markasta oo la gaaro dhamaadka muddo xileedka dowladda ay xoojiso weeraradeeda, si ay uga faa’iideysato marxaladda kala guurka ah.

Sidoo kale wuxuu sabab uga dhigay inay sii laba jibaarmaan weerarada Al-Shabaab gaabis ka jira xagga dowladda, isaga oo sheegay in howl-gallada ciidamada ay ku egyihiin Muqdisho, wuxuuna shaaciyey inay muhiim tahay in la gaaro goobaha laga soo abaabulo weerarada., si looga hortago, loona wiiqo awooda Al-Shabaab oo muddo fog dagaal wada.

“Dowladdu ma aysan qaadin duulaan weyn, marka laga reebo weeraro yar oo ah ku dhufo oo ka dhaqaaq, taasi meesha kama saareyso abaabulka Al-Shabaab, balse waxaa habboon si looga hortago qorshahooda in loogu tago meelaha ay ku jiraan” ayuu yiri taliye Tuuryare.

Dhinaca kale wuxuu soo jeediyey talooyin uu ku soo koobay illaa afar qodob, kuwaas oo uu tilmaamay in looga adkaan karo dagaalyahanada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

“Qodobadaan haddii la raaco waxa ay ila tahay in lagu guuleysan karo sugidda amniga, waana 1-In Ciidamada ka madax bannaan yihiin siyaasadda, loona madax bannaaneeyo howlahooda, 2- in saraakiisha wax maamuleyso la wacyi geliyo, 3-waxaa aad u muhiim ah in gacan lagu abaabulo doorasho, gacanta kalena lagu qabto sugidda amniga iyo qodoboka ugu dambeeyo oo ah 4-in lasoo celiyo kalsoonida shacabka iyo ciidanka oo la isku xiro si meesha looga saaro cabsida shacabka” ayuu markale yiri taliyihii hore ee Nabad-Sugida.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya,iyadaoo weerarkii ugu dambeeyey oo saacado badan qaatay ay Al-Shabaab shalay galab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kaas oo ay la beegsadeen hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this