Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Iyo Imaaraadka Carabta Oo Markii Ugu Horreysay Si Toos Ah Taleefan Ugu Wadahadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta ayaa daahfuray xidhiidhka taleefannada tooska ah ee labada dal dhexmaraya kaddib marki ay toddobaadki hore ay gaadheen heshiis ay dib ugu soo celinayaan xidhiidhkooda.

Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal ayaa si toos ah taleefan marki ugu horreysay ugu wadahadlay “iyaga oo isdhaafsaday farriimo salaan ah oo taariikhda gashay”, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay soo saareen.

Mr Kushner wuxuu CBS u sheegay isaga iyo madaxweyne Trump iney ka shaqeynayeen heshiiska dhexmaray Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta tani iyo marka uu madaxweyne Trump xilka madaxweynanimada Mareykanka uu qabtay.

Waxaana heshiiska nabadeed ee Israa’iil iyo Isutagga Imaaraadka dhexmaray si rasmi ah loogagu dhawaaqay Khamiisti aan ka soo gudubnay.

Wuxuuna Trump heshiiskani nabadeed uu ku tilmaamay inuu yahay midkii seddexaad ee Bariga dhexe ku dhexmaro Israa’iil iyo carabta, waddamada khaliijkana uu ka yahay kii ugu horreeyey.

Beesha caalamka ayaa si weyn u bogaadisay heshiiskaasi iyaga oo ku tilmaamay billow wanaagsan, halka ay Falastiin, Turkiga iyo Iiraan ay ku gacanseydheen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this