Deeq A. Posted August 17, 2020 (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa soo ambabixisay wakiilkeeda cusub ee u fadhiyi doona magaalada Hargeysa oo dhawaan xilkaas loo magacaabay. Danjiraha cusub Dr Siciid Maxamed Jibriil ayaa bedelaya wakiilkii hore Amb Shamsudiin oo muddo dheer xilkaasi ka sii maqnaa. Magacaabista Dr Siciid oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa ayaa imanaysa xilli la rumaysan yahay in aanu fiicnayn xidhiidhka Hargeysa iyo Addis Ababa kadib Dr Abiy oo saaxiib dhaw ka dhigtay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo. Source Share this post Link to post Share on other sites