Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Soo Ambabixisay Wakiilkeeda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa soo ambabixisay wakiilkeeda cusub ee u fadhiyi doona magaalada Hargeysa oo dhawaan xilkaas loo magacaabay.

Danjiraha cusub Dr Siciid Maxamed Jibriil ayaa bedelaya wakiilkii hore Amb Shamsudiin oo muddo dheer xilkaasi ka sii maqnaa.

Magacaabista Dr Siciid oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa ayaa imanaysa xilli la rumaysan yahay in aanu fiicnayn xidhiidhka Hargeysa iyo Addis Ababa kadib Dr Abiy oo saaxiib dhaw ka dhigtay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this