Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa saaka ka cusub magaalada Dhuusamareeb?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa weli ka socda kulamo horudhac u ah wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Kulamadii u dambeeyey oo xalay dhacay ayaa waxa wada yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa intooda badan kulamadan diirada lagu saaray hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo mida amni.

Sidoo kale waxay madaxdu si  wadajir u cambaareeyey weerarkii ay shalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, iyaga oo u tacsiyeeyey qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Weli ma cadda xilliga rasmiga ah ee uu furmayo shirka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah oo lagu jiro marxalad kala guur ah, waxaana madasha ka maqan Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this