Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Degaan kaabiga ku haya Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Malashiyaadka Al-shabaab ayaa Saaka oo Isniin ah weerar culus ku qaaday Degaanka Goof-gaduud Buurey oo qiyaastii 30KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa Al-shabaab la beegsatay Saldhig ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa koonfur Galbeed ku leeyihiin Degaanka Goof-gaduud Buurey waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya Dagaalkaas ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen Saldhiga Ciidamada ee Goof-gaduud Buurey islamarkaana ay halkaasi askar badan ku laayeen inkastoo aysan jirin cid si rasmiya u xaqiijisay.

Sidoo kale warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in Malayshiyaadkoodu ay cagta mariyeen Saldhiga Goof-gaduud haatana ay si buuxda gacanta ugu hayaan Saldhigaas kadib markii Ciidamada dowladda laga ceyrsaday.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Degaan kaabiga ku haya Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this