Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Hotel Elite

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Sadiiq Aadan Cali ayaa shaaciyey in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa 16-ruux oo 5 ka mid ah ay yihiin raggii weerarka fuliyey, halka ay dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay soo bad-baadiyeen dad kale oo ku sugnaa dhismaha hotelka xilliga uu dhacayey weerarkaasi oo qarax ku bilowday.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay shaacisay in xilliga ay hotelka weerarayeen ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this