Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar qarax ku bilowday xoogan iyo dagaal oo ka socda gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka socda dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay, balse ma cadda inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana war ka soo baxay Al-Shabaab ay ku sheegatay inay la wareegtay sladhigga deegaanka Goofgaduud Buurey ee G/Baay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this