Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo war kasoo saratay kulankii ka dhacay Dhuusmareeb + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxda ay iska xog wareystay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni.

Waxay sidoo kale si wadajir u cambaareeyeen weerarkii gaadmada ahaa ee argagixisadu ay ka fuliyeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho, waxa ayna uga tacsiyeeyeen qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed muwaadiniinta geeriyootay.

“Sidoo kale, Madaxda ayaa adkeeyey muhiimadda ay midnimadu iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka.”

Shirkan ayaa imanaya ayada oo madaxda maamul goboleedyada Jublanad iyo Puntland ay ka maqan yihiin kulamada. Puntland ayaa xalay si rasmi ah u qaadacday shirka, waxayna shuruudo adag ku xirtay ka qeyb-galkiisa. Halkan ka aqriso qoraalkaas.

Madax-goboleedyada.jpeg Farmaajo-2.jpeg Waare-iyo-Filish.jpeg Qoor-Qoor-iyo-Lafta.jpeg Madax.jpeg Madax-2.jpeg Farmaajo-2-1.jpeg Qoor-Qoor.jpeg Waare-1.jpeg Lafta-1.jpg Filish.jpeg Madaxda.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this