Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii Hotel Elite oo lasoo afjaray iyo dadkii gudaha ku go’doonsanaa oo laga soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarkii Hotel Elite, islamarkaana soo badbaadiyaan dadkii ku sugnaa gudaha, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo.

Afhayeenka ayaa sheegay in xoogaga sida gaarka ah u tababaran ay soo afjareen go’doominta afarta saacadood qaadatay ee lagu hayay buu yiri Hotel Elite ee Muqdisho, ka dib markii la dilay kii ugu dambeeyay.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Somaliya ayaa soo afjaray go’doomintii 4-ta saacadood qaadatay ee lagu hayay Hotel Elite ee Muqdisho, ka dib markii la dilay kii ugu dambeeyay,” ayuu yiri Afhayeenka oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Qoraalka ayuu ku yiri “Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan hawgal ay ka sameeyeen Hotel Elite, waxay soo badbaadiyeen dadkii ku go’doomay hotelka, baaritaano ayayna sameynayaan.”

Ismaaciil Oranjo ayaa qoraalka ku xusay in wixii macluumaad ee ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, uu dib dadka kala soo wadaagi doono.

“Faah faahinta khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee weerarkaasi ka dhashay, waan idinla soo wadagaayaa,” ayuu yiri Ismaaciil Oranjo.

Inta la ogyahay ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka ku dhowaad 30 kalena kalana ay ku dhaawacantay, waxaase loo maleynaya in khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Masuuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Qoraal ka soo baxay ayay ku sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa hotelkasi, oo uu leeyahay Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Nuur, oo xubin ka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee sanadkan lagu qaado hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, kaasoo ku yimid habacsanaanta amni ee labadii bilood ee ugu dambeysay laga dareemayay magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this