Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul uga hadlay weerarka hotel Elite

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow war ka soo saaray weerarkii xooganaa ee galabta lagu qaaday hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Halkan hoose ka akhriso:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada uu leeyahay falkan arxan darrada ah maadaama cadowgu ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan kobaca amniga, dhaqaalaha iyo xasiiloonida Caasimadda oo dadaal badan la geliyey.

“Ujeedka ugu weyn ee argagixisadu ay u qaadayaan weeraradan gaadmada ah waa in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag. Waa xaqiiq in qorshahoodu uu yahay mid lagu dhibaateynayo qof kasta oo Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dhammaan muwaadiniinta ku dhaawacmay weerarkan argagixisanimo, isagoona ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan walaalahooda ay argagixisadu dhibaateeyeen.

DHAMMAAD

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this