Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa sidee Xaaladda Milkiilaha Elite Hotel oo weerarka markuu dhacayey ku sugnaa gudaha Hotelka ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimaddaa Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Golaha Shacabka isla markaasna ah Milkiilaha Hotel Elite ee Maanta la weeraray ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkaas.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu ku sugnaa gudaha Hotelka markii uu weerarka dhacayey isla markaasna uu ka badbaaday.

Milkiilaha Hotelka ayaa xaqiijiyey inuu weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac inkastoo uusan sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

“Dhammaan allah ha un naxariisto inti ku dhimatay weerarki galabta ay argagaxisadu ku soo qaaday shacab soomaaliyeed gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna allah bogsiiyo, waana caafimaad dhamaan ehel iyo asaxaaba” ayuu yiri Xildhibaanka.

117945646_330101121456948_16395990272452

Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarkaas ay Al-Shabaab sheegatay oo lagu qaaday Hotel Elite.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 30 ruux, walina waxaa gudaha hoteelka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this