Sign in to follow this  
Deeq A.

Rasaas weli ka dhex socoto Hotel Elite iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in weli halkaas ay ka socoto rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay toogtaan laba kamid ah kooxihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Wararka ayaa sheegayo in laba kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay weli ku jiraan qeybta sare ee Hotel Elite halkaas oo ay kasoo ridayaan rasaas iyo waxyaabaha qarxo.

Ciidamada Dowladda ayaa ku howlan sidii ay usoo badbaadin lahaayeen dadka ku jiro gudaha Hotelka oo isugu jiro kuwa Shacab ah iyo Shaqaale ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dadka dagan agagaarka Xeebta Liido ayaa sheegayo inay maqlayaan rasaas culus oo u muuqato inay tahay mid ay is dhaafsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxdii hubeysneyd ee weerarka soo qaaday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay Hotel ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda markii uu weerarka bilaabanayey.

Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarkaas ay Al-Shabaab sheegatay oo lagu qaaday Hotel Elite.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 30 ruux, walina waxaa gudaha hoteelka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this